Sakiinlaq AB waxay bixisaa adeegga turjumidda qoraallada, codadka iyo muuqaalada.
Turjumidda qoraallada iyo dukumintiyada
Waxaan u turjunnaa:
- Af Soomaali, kana turjunnaa af Iswiidhish iyo af Ingiriis
- Iswiidhish, kana turjunnaa af Soomaali
Turjumaadda waxaan ku soo gudbin karnaa PDF. Haddii qoraalka lagu soo diro Word, waxaan ku dadaalaynaa in qaabka iyo habaynta qoraalka asalka ah la ilaaliyo.
Muunad | sheeko xarriiro Iswiidhish Soomaali loo turjumay
Flickan med svavelstickorna
Det var så förskräckligt kallt. Det snöade och kvällens mörker sänkte sig över staden. Det var också den sista kvällen på året. Nyårsaftonen. I denna köld och mörker gick en liten fattig flicka på gatan. Hon hade bart huvud och nakna fötter. Då hon gick hemifrån hade hon haft tofflor på sig. Men inte hade det hjälpt. Det var hennes mors stora tofflor. De var så stora att hon tappade dem när hon skyndade sig över gatan. Den ena toffeln kunde hon inte hitta. Den andra sprang en pojke bort med. Han sa att han kunde använda den till vagga då han själv skulle få barn.
Gabadhii taraqa
Waxaa jiray qabow daran. Baraf ayaa da’ay oo habeenka mugdigiisa ayaa ku habsaday magaalada. Waxay kaloo ahayd habeenkii ugu dambeeyay ee sannadka. Habeenka sannadka cusub. Qabowgan iyo gudcurkan ayaa gabar yar oo sabool ah waddada socotay. Way madax iyo cago marnayd. Markii ay guriga ka soo tegaysay way xirnayd dacas. Balse maxay tari. Waxay ahaayeen dacasihii waaweynaa ee hooyadeed. Waa ay weynaayeen oo way ka dhaceen markii ay maagtay orod ku goy waddada. Dacasahii midkood ma aysan helin. Midka kalena waxaa qaatay wiil. Wuxuu sheegay in uu ka dhiganayo sariirta carruurta marka ay carruur u dhashaan.
Turjumidda codadka iyo fiidiyowyada

Waxaan turjunnaa codadka iyo muuqaallada. Marka hore waxaan qoraal ka samaynaa hadalka duuban, ka dibna waxaan u turjunnaa luqadda kale.
Fiidiyow
Waxaan shaqada ku soo gudbin karnaa:
- .srt, .txt ama .ssa
- qoraal-hoosaad ku guban muuqaalka
- qoraal-hoosaad laba afle ah oo af kastaa midab u gaar ah leeyahay
Cod
- PDF ama .txt oo waqtiyada ku shaabadaysan yihiin
- qoraal-hoosaad ku yaal muuqaal leh khalfiyad hal midab ah
- fayl .srt, .ass ama .ssa ah